Wargelinta mas’uuliyiinta ku socota
Nidaamka waxbarasho ee Finaland
Nidaamka waxbarashada ee Finland wuxuu leeyahay saddex darajo. Dugsiga
hoose-dhexe waxaa lagu bilaabaa 7 sano jir wuxuuna badanaa qaataa sagaal
sano.
Dugsiga hoose-dhexe dabadii ardaydu waxaay codsiga wadajirka ah ku
dalbadaan machadyada waxbarasho ee darajada labaad, kuwaas oo ah
dugsiyada sare ama machadyada xirfadaha. Waxbarashada wadajirka ah waxa
kaloo lagu dalban karaa waxbarashada diyaarinta ee TUVA oo qaadanaysa
muddo hal sano ah. Waxbarashada TUVA waxaa la iskugu diyaarinayaa
waxbarashada darajada labaad.
Darajada labaad kaddib waxaa la sii wadan karaa waxbarasho darajo sare ah
oo jaamacadaha iyo jaamacadaha xirfadaha.
Dhammaan machadyada darajada labaad waxaa lagu qaadan karaa
waxbarashada finnishka oo luqadda labaad ah iyo haddii loo baahdo caawimaad
macallimiinta baahida gaarka ah.
Wargelinta mas’uuliyiinta ku socota, pdf
Yhteishakuopas huoltajille, somali.